Sirta Kadambeysa Duulaanka Deegaanadda Arab Sheekh Isaxaaq - Qorshihii Maamulka DDS Iyo Ogaadeen Kudhex Maray Jig-Jiga
Mustafe Cagjar wuxuu cadeeyey in Bulshadda uu Madaxweynaha uyahay aanu dhex u ahayn isagoo adeegsanaaya maahmaada tidhaahda "Fiqi tolkii kama janno tago", taas bedelkeeda waxaynu ogeyn ilaa 2018 in dagaallo kadhexeeyeen labadda Qoomiyadood ee kala ah Soomaalidda Iyo Qoomiyada Oromiya, dagaladaas oo marxalado kala duwan soomaray waxaa dhulal badan lagaga qabsaday Qoomiyada Soomaalida, ilaa maantana waxaa dhulalkaas degan Oromiyadii awooda ku qabsatay, bilihii ugu dambeeyey sanadkan hadda sii dhamaanaya waxaa gacanta maamulka Madaxweyne Cagjar iyo guud ahaan DDS kabaxay deegaan iyo magaalo aad muhiim ugu ahayd isku socodka Dalalka Itoobiya, Soomaaliya Iyo Kenya waanna Mooyaale.
Mooyaale maaha magaalo Qoomiyada Oromadu leedahay ee waa dhul iyo Magaalo Soomaaliyeed se maanta Ina Cagjar faro madhan ayuu kajoogaa oo waxaa maamul iyo nidaam usameystay Qoomiyada Ormada. Waa tusaale uun ee waxaa jira boqolaal tuulooyin ah oo sidda Mooyaale galbaday, ilaa haddana gacanta DDS iyo Ina Cagjar kasii baxaaya.
Sidoo kale dhanka Qoomiyada Canfarta hadii aan ka hadlo, waxaa 3dii sanno ee u dambeeyey kajiray dagaallo, kuwaas oo udhexeeya Canfarta iyo Soomaalida.
Dagaaladaasi waxay soogaadhsiiyeen in inta badan Gobolka Sitti ee DDS Itoobiya uu gacanta ugalay Qoomiyada Canfarta, iskadaa wax Madaxweyn Mustafe Cagjar iyo Dawladiisu ka qabtaane xitaa waxay awood uyeelan waayeen inay ka hadlaan. Taas bedelkeeda Reer kamid ah reeraha dega Gobolka Sitt (Ciise), oo u adkaysan waayey gardarada iyo dulmiga Canfarta, iyo sidoo kale aamusnaanta maamulkoodii iyo madaxdoodii xilka u hayey ee DDS ayaa isku abaabulay sidii ay iskaga dhicin lahaayeen Canfarta, inkastoo awood ka xoogbadanni heshay haddana intii itaalkooda ah way iska caabiyeen waanay tuseen in dhulka Ciise aan si fududu lugu qaadan karin ilaa maantana colaadaasi way jirtaa laakiin walaaloodii kale ee Ogaadeen ahaa oo iyagaba dhulbadani ka maqanyahay faraha ayey ka qaadeen waxayna ku dabo fayleen Madaxweyne Cagjar iyo maamulkiisa si ay u ilaaliyaan sharaftiisa iyo jiritaanka maamulkiisa.
Waxaas oodhan ka kaalay, waxaan ugasoo sheekeynaayey si aad iila fahantid colaada Deegaanadda Arab sheekh Isaxaaq uu ka wado Maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar, deegaanadda Arab oo keliya maaha ee sidda qorshihiisu yahay waa deegaanadda Reer Sheekh Isaxaaq deggaan oodhan, se Xarshin, Daroor iyo Gaashaamo marka laga yimaado Deegaanada Arab waxay noqodeen halka keliya ee Maamulka Cagjar uu ka geli karo deeganaddaas Isaaq, sababtuna waxay tahay labaddan qodob.
1. Arabka oo aan lahayn Degmo maamuleed ugaar ah oo ay fadhiyaan ama maamulaan masuuliyiin toos ugu xidhan dawladda federaalka Itoobiya kuwaas oo si fudud warkooda loo maqli karo. Haddii aan halkaas kuyar fahansiiyo waa "Arabku ha iska hadlo, inagguna aynu hawsheena wadano, waayo warkoodu haddii uu Xarshin dhaafo Jigjiga ma dhaafayo".
2. Arabka iyo Ogaadeenka ay ood wadaagta yihiin oo dhawr jeer oo hore xurgufo dhuleed udhexmareen, taasina waxay keentay in maamulka Cagjar, si qorshihiisu u fulo uu uga faaidaysto colaadaas hore ujirtay.
Muxuu Yahay Qorshaha Maamulka Ina Cagjar Uu Ka Damacsan Yahay Deegaanaddan:
Kedib Dagaaladii ay Qoomiyaddaha Ormada iyo
Canfartu ku qabsadeen dhulal badan oo katirsan Ismaamulka Soomaalidda, waxaa
Mustafe Cumar culays kasoofuulay dhanka Reerka uu kasoojeedo (Ogaadeen) oo
marka laga tago Ciis-aha oo iyagu ilaa maanta dhulkooda difaacanaaya iyaga oo
aan wax garab ah ka helahaynin Maamulka DDS. Ogaadeenku waxay noqodeen reerka
keliya ee faro madhan kasoo istaagay deegaanno iyo magaalooyin ay boqolaal
sanno ku abtirsanayeen, oo Qoomiyadda Ormadu iyadoo awood iyo badnaan isbidaysa
ay kula wareegeen, taas bedelkeeda Mustafe Cagjar iyo reerkiisu (Ogaadeen)
waxay isku qanciyeen in dhankan Waqooyiga uu jiro dhul aad u balaadhan oo ku
fiican beeraha iyo xoolo dhaqshadda, dadka deganina aanay ka faaidaysan oo ay
yihiin dad guur-guura ama reer guuraa ah, maamulka DDS-na aanay dadkaas ku
xidhnayn oo maamul ahaan ay Somaliland ku xidhan yihiin.
Si qorshahaas loo hirgeliyo waxaa la go'aansaday
in ogaadeenka ay ood wadaagta yihiin ee Yuucaale, iyagoo isticmaalaya hab
aamusnaan ah iskana dhigaaya jaar wanaagsan in ay ku ruqaansadaan deegaanada
Dacawaley iyo Abokor Axmed, (Tusaale ahaan halkii qoys ee Arab ahba ay ag
degaan laba reer oo Ogaadeen ahi, si kadibna khilaaf uyimaado). Taasi way
dhacday oo labaddii sanno ee udambeeyeyba way socotay, Arabkuna isagoo
dareensan damaca Ogaadeen uu kusocodo, warka wuu isgaadhsiiyey inkastoo aanu
aad uga taxadirin dedaal dheeraad ahna aanu arintaas kamuujinin. Dulqaad badan
kadib waxaa faraha ka batay qoysaska Ogaadeen ee sidda joogtada ah usoo degaaya
deegaanaddii Arab Sheekh Isxaaq, markii la weydiiyey "Sideed wax u wadaan
oo maxay tahay sababta aad dhulkayga nugula wadaagaysaan ileen Abaar aad kasoo
guurtaan oo aanu gacan idiinku fidinaa ma jirtee, biyo la'aanna hadalkeedaba
da'aa oo idinkaaba intaas oo Riig haystee", si fudud ayey ku yidhaahdeen
deegaanka ayaa inaga dhexeeya oo idinka ayaa duulaan nugusoo qaaday, ogow oo
ogaadeenkaasi iyaguba way isogyihiin in dhul ay leeyihiin aanay degenayn ee
waxaa jira awood kale oodheeraad ah waanna awooda Mustafe Cagjar iyo
maamulkiisa ee dabada kariixaya, laakiin waxaa xaqiiqo ah inuu jiro qorshe dhul
balaadhsi oo ay isla ogyihiin, waanna qorshaha odhanaaya " Waa in Iidoorka
laga xukumo Hargeysa aanay ka sokeynin Xadka Baligubadle", sidii lugu
fulin lahaanna ay hadda kuguda jiraan.
Wa bilaahi tawfiiq
WIYEER
Comments
Post a Comment