Sirta Kadambeysa Duulaanka Deegaanadda Arab Sheekh Isaxaaq - Qorshihii Maamulka DDS Iyo Ogaadeen Kudhex Maray Jig-Jiga
Mustafe Cagjar wuxuu cadeeyey in Bulshadda uu Madaxweynaha uyahay aanu dhex u ahayn isagoo adeegsanaaya maahmaada tidhaahda "Fiqi tolkii kama janno tago", taas bedelkeeda waxaynu ogeyn ilaa 2018 in dagaallo kadhexeeyeen labadda Qoomiyadood ee kala ah Soomaalidda Iyo Qoomiyada Oromiya, dagaladaas oo marxalado kala duwan soomaray waxaa dhulal badan lagaga qabsaday Qoomiyada Soomaalida, ilaa maantana waxaa dhulalkaas degan Oromiyadii awooda ku qabsatay, bilihii ugu dambeeyey sanadkan hadda sii dhamaanaya waxaa gacanta maamulka Madaxweyne Cagjar iyo guud ahaan DDS kabaxay deegaan iyo magaalo aad muhiim ugu ahayd isku socodka Dalalka Itoobiya, Soomaaliya Iyo Kenya waanna Mooyaale. Mooyaale maaha magaalo Qoomiyada Oromadu leedahay ee waa dhul iyo Magaalo Soomaaliyeed se maanta Ina Cagjar faro madhan ayuu kajoogaa oo waxaa maamul iyo nidaam usameystay Qoomiyada Ormada. Waa tusaale uun ee waxaa jira boqolaal tuulooyin ah oo sidda Mooyaale galbaday, ilaa haddana gacanta DDS iyo Ina Ca...